Wednesday, June 19th, 2013

Shaaha Sin-Jibiisha Leh Oo Faa’iidooyin Badan Oo Caafimaad U Leh Qaybo Kamid Ah Jidhka Aadamaha

Published on November 24, 2012 by   ·   No Comments
Aqrisatay :163

Wakhtiyadan dambe waxa si fiican loo ogaaday in ay aad uga faa’iido badteen daawooyinka ka baxa dhirta kuwa kiimikada laga sameeyo ee warshadaha soo mara. Haddaba, shaaha sinjibiisha leh oo Soomaalidu aadka u amaanto, isla markaana ay u isticmaalaan in ay hargabka ama cudurro kale oo xun-dhuntu ka mid tahay dawo ka yahay, ayaa la si rasmi ah loo shaaciyey faa’iidooyin caafimaad ee ku jira cabbistiisa, waxana ka mid ah: 1. Waxa uu dhisaa hab-dhiska difaaca jidhka: Faa’iidooyinka shaaha sin-jibiisha lagu daray leedahay, waxa ka mid ah dhisidda amma kor-u-qaadidda hab-dhibiska difaaca jidhka dadka, waxana arrintaas tusaale loogu soo qaatay xilliyada lagu jiro dayrta qaboobaha ee dadka badankiisu hargabka ka cawdaan. Haddii qofku uu cabbo shaah sin-jibiilaysan waxa si toos ah u kululaada jidhkiisa, waxaannu hab-dhiskiisa difaaca cudurradu noqdaa mid diyaar u ah inuu heegan u galo la dagaallanka jeermiska amma bakteeriya jidhka galaysa.

2. Waxa uu la-dagaallamaa isku buuqa: Cadaadiska shaqooyinka adag ee maalinlaha ah iyo halganka nololeed waxay sababaan in qofku dareemo degenaansho la’aan, sidaa darteed cilmi-baadhisyo badan laga sameeyey sinjibiisha waxay sheegeen in haddii shaaha lagu daro ay hoos-u-dhigto cadhada badan iyo degenaansho la’aanta nafta.

3. Waxay la dagaallantaa xannuunka wallaca dumarka uurka leh: Wallacu waa xannuun la soo darisa haweenka uurka leh, kaasoo sababa inay ladaadyo iyo matag badan keenaan, sidaa darteed waxay khubarrada caafimaadka ee daawo-dhaqameedyada daraasadaha ku sameeyey kula taliyaan dumarka inay cabbaan shaah sin-jibiil leh si mataggu uga yaraato, naftooduna u nafista.

4. Waxa uu caawiyaa in garaaca wadnuhu shaqeeyo: hab-dhiska dheef-shiidku si fiican u shaqeeyoShaaha sin-jibiisha leh waxa uu qofka ka caawiya in garaaca wadnuhu si fiican u shaqeeyo, sidoo kalena waxa uu jidhka ku khasba inuu sii daayo dheecaanada la yidha Gastric Juice oo caawiya in hab-dhiska dheef-shiidku si fiican u shaqeeyo, isla markaana jidhku nuugo nafaqada cuntada.

5. Waxa uu difaaca garaaca xad-dhaafka ah: Garaaca xad-dhaafka ah ee ay sababaan lugo xannuunka, waxa ay keenaan garaac aan loo dulqaadan Karin, sidaa darteed shaaha sin-jibiisha leh waxa uu hal u yahay arrimahaas, sidoo kalena waxa uu hoos-u-dhiga bararka jidhka ku yimaada.

6. Waxa uu taageera in dhiigu si fiican u gaadho jidhka oo dhan: Koob shaaha oo sin-jibiil leh waxa uu ka shaqaysiiya macdanaha ay Acid ka mid tahay si ay u caawiyaan hab-dhiska dhiig wareega ee jidhka, waxaannu sababa in dhiigu si fiican u wada gaadho gebi ahaan jidhka.

7. Waxa si fiican ugu shaqeeya hab-dhiska neefsiga: Dadka ay hayaan xaaladaha uu ka mid yahay cabudhku ee sanbabada qaar hawada si fiican u qaadan kari wayaan, waxa caawin kara haddii uu cabo koob shaaha oo sin-jibiilaysan, kaasoo si fiican uga shaqaysiinaya unugyada xidhmay ee u baahan in hawadu si fiican u marto.

 

 

Source:Haatuf.net

Readers Comments (0)




Wararka

ireland-flag-1024x683

Askar ka tirsan Dowlada Ireland oo Maanta ku geeriyooday weerarkii ka dhacay Muqdisho

June 19, 2013
War ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibbadda dawlada  Ireland ayaa waxaa lagu sheegay in askar kaga sugnaa xarunta ...
deg deg qarax dhacay

War Deg Deg ah: Alshabaab oo weerar ku qaaday xarunta UNDP ee Muqdisho

June 19, 2013
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa usheegay warbaahinta  in kooxo hubeysan oo loo maleynayo Al shabaab ay weerar ku ...
Kenyan-police-guard-the-s-006

Ciidamada amaanka Kenya oo toogtay sarkaal ka tirsan Alshabaab ” akhriso magaca sarkaalka ”

June 19, 2013
Ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa waxa ay shalay toogteen laba ruux oo loo heestay in ay xariir ...
hilibka dameetaha

Kenya oo laga bilaabay in la cuno Hilibka Dameerka

June 19, 2013
Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in Qeybo ka mid ah Dalka Kenya ay kusoo badaneyso Cunida Hilibka ...
deg deg

Col Yaasiin Raadeer oo kamid saraakiisha Raaskambooni oo Kismaayo lagu dhawaacay iyo xaalada oo aad u kacsan

June 18, 2013
Warar hadda naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in wadada loo galay gaari uu la socday ...
shir-300x225

Shirweyne Qaran oo dib loogu habeynayo Waxbarashada Dalka oo Muqdisho ka furmay (WARSAXAAFADEED)

June 18, 2013
Muqdisho, 18, June 20133…Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta magaalada ...
askari la dilay

Askari lagu dilay gudaha Magaalada Muqdisho

June 17, 2013
Koox hubeysan ayaa waxa ay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku toogatay Askari ka tirsanaa ciidanka booliska ...
Booliska-Somaliland

Booliiska Soomaaliland oo xabsiga dhigay mid kamid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay

June 17, 2013
Booliiska Madaarka Berbera ayaa doraad xabsiga u taxaabay sarkaal ka tirsan waaxda Amaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ...
godax2

Xildhibaan Goodax Bare oo ka hadlay dhac ay u geysteen kooxo ku hubeysan Bastoolado Magaalada Nairobi

June 17, 2013
Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay fal shalay loogu geestay Magaalada Nairobi ...
Dr-Maxamed-Cabdillahi1

Golaha wakiilada Soomaaliland oo su’aalo kulul weydiiyay Wasiirka arimaha dibada maamulkaasi

June 17, 2013
Wasiirka wasaarada arimaha dibada maamulka  Soomaaliland ayaa shalay hortagay Golaha Wakiilada maamulka Soomaaliland isagoo hallkaasi xubnaha Golaha Wakiilada ...
.